Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada Wayaanaha

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa 23-08-09 weerar mir ah oo ad u culus ku qaaday saldhiga ciidamada gumaysiga itoobiya ee Degmada Xamaro ee gobolka Nogob waxaana halkaas loogu gaystay saldhiga iyo ciidamada gumaysigaba khasaare culus oo aan weli faahfaahin rasmi ah laga haynin balse culayskiisa la dareemay aroornimadii.
26-08-09 Garloogube oo ka tirsan gobolka Doollo dagaal ku dhex maray ciidanka qalabka sida ee Xoreynta Ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 2 askari, waxaa laga dhaawacay 5 kale.
27-08-09 Leedileey oo ka tirsan gobolka Jarar dagaal ka dhacay waxaa ciidamada saamalaluudka ah lagaga dilay 6 askari waxaana lagaga dhaawacay 9 kale.
Isla 27-08-09 Ciidamada xoreynta Ogadenya ayaa ciidamada cadowga itoobiya ku weeraray habeen iyo maalin saldhig ay ku leeyihiin tuulada Sanmadheedhle oo ka tirsan degmada Baabili,weeraradaas ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay inta la hubo 6 wayaane halka 8 kalana lagaga dhaawacay.
Meesha la yidhaahdo Kurweyn oo ka tirsan gobolka Jarar dagaal kulul oo ku dhex maray ciidamada xoreynta ogadenya iyo kuwa gumaysiga itoobiya 27-08-09 ayaa ciidamada cadowga lagaga dilay 23 askari , waxaa laga dhaawacay 35 kale. Dagaalkaas oo ay ciidamada acdowgu wateen gaadiid milatari ayaa lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah iyo mid yar oo siday sarkaalka ciidankaas watay,waxaana ciidamada cadowga dagaalkaas lagaga furtay hub iyo qalab milatari oo badan.
31-08-09 Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka howl gala gobolka Qoraxay oo isaga kala yimid Haar-cad,Shilaabo iyo Qabridaharre kuna sugnaa Ceel Ogaadeen ayay ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogadenya fadhigooda ku weerareen,waxaana halkaas lagu gaadhsiiyey ciidamada cadowga khasaare balaadhan oo aan weli faahfaahin rasmi ah laga haynin.
Xigasho: Ogaden online