Tuesday, July 14, 2009

Bakhtiga Wayaanaha oo sii kordhay

Dagaladii oo sii xoogaystay iyo ciidamada Xoreynta Ogadenya oo balaadhiyey howlagadoda.

Barnaamijkii Radio Xoriyo

13 July 2009.

Dagaladii oo sii xoogaystay iyo ciidamada Xoreynta Ogadenya oo balaadhiyey howlagadoda.

Kamaandoosta ciidanka jwxo oo hawgal qorshaysan ka fuliyey gudaha magaalada Shibaalo.

Firxadkii ciidanka gumaysiga iyo Dabaqoodhiga oo iyagoo wareersan dharna qabi soo gaadhay maagaalooyinka ogadenya qaarkood.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin baahsan iyo kufsi u gaystay dad rayid ah.

Ururka dhalinyarada Ogadenya faraca wadanka Finland oo maamul cusub yeeshay.

Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

Gabay Cusub oo uu Abwaan Axmed Sheekh Cali (Heelaale) ka tiriyey dagaaladan cusub.

 

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya ayaa iyagoo ka jawaabaya joogitaanka ciidanka gumaysiga ee sida doolka ah ku jooga ciida ogadenya iyo gabood falada cadowga Itoobiya u gaysanayo shacabka ayay weerar aan kala joogsi lahayn ku qaadeen fadhiisimada ciidanka Woyaanaha, halkaas oo dhaawac aan ka soo kabasho lahayn naf iyo qalaba loogu gaystay.

02-07-09 Tuulada Laas-Galool oo katirsan degmada Garasleey ee gobolka Nogob dagaal ku dhex maray ciidanka qalabka sida ee jwxo iyo ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 18 askari waxaana lagaga dhaawacay 10 kale oo qaar kamid ah dhaawacoodu uu aad u liito.

03-07-09 Degmada Iimayda Bari

oo ka tirsan gobolka Shabeelle dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 6 askari waxaana loo gaystay dhaawac fara badan oo aan tiro rasmi ah weli laga helinCiidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar mir ah ku qaaday 05-07-09 xerada ciidanka gumayisga ee magaalada Abaaqoroow ee gobolka Shabeelle waxaana halkaas loogu gaystay khasaar badan oo dhimasho ah iyo 2 askari oo laga dhaawacay.

05-07-09 Deegaanka Malko Dhabar oo ka tirsan Gudhis dagaal kulul oo ka dhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 7

askari waxaana lagaga dhaawacay11 kale. oo katirsan gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidamada saamalaluudka ah lagaga dilay 3 askari 2 kalena waa laga dhaawacay .07-07-09 Galagaabow oo ka tirsan gobolka

Nogob weerar gaadmo ah oo ciidanka wadaniga xoreynta ogadenya ku qaadeen ciidan gumaysi oo halkaas ku sugnaa ayay kaga dileen 3 askari waxayna kaga dhaawaceen4 kale Dagaaladii dhacay biloowgii bishan ee kahsaaraha ba,an loogu gaystay ciidamada gumaysiga itoobiya iyo maleeshiyaadka

dabaqoodhiga ah ayaa waxaa si is daba joog ah iskaga soo daba dhacaya khasaaraha oo intii hore kasii batay,qaar badan oo kamid ah ciidamada gumaysiga iyo maleshiyaadka dabaqoodhiga ah oo duurka ku firxaday ayaa si teel teel ah usoo galaya magaalooyinka ogadenya iyagoo aan wadanin wax hub iyo dhar toona qara kamid ah magaalooyinkii ay soo galeen iyagoo wareersan oo aan la xidhiidhnay ayaa naloo sheegay in xataa aysan dhimir ahana caadi ahayn.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin baahsan iyo kufsi u gaystay dad rayid ah.

Siyaasadda taliska Addis Ababa ee ku dhisan cududda ciidanka ayaa bilowgii sanadan kordhisay xasuuqii iyo dhacii shacabka aan wax galabsan ee Ogadenya. Waxaana dagaal dambiyeedka iyo gumaadadka shacab ugu wacan aar goosi iyo guul darada uu CWXO ku gaadhsiiyo goobta dagaalka.

26-06-09 Meesha la yidhaahdo Qabaalaleey oo ka tirsan gobolka Shabeele waxay ciidamada gumaysigu xabsiga magaalada Godey u taxaabeen jidh-dil ba,an iyo kufsina ugu gaysteen:

1-Dhuumaal Sahal Cabdi oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen qori ka qaateen.

2-Yaroow Xuseen Kaad oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen

3-Ibrahim Cabdullaahi oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen

4-Cabdi Muxumed oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen

5-Faadumo Sahal oo ay xabsi,jidh-dil iyo kufsi isugu dareen lug iyo gacana ka jabiyeen

6-Abshiro Xassan oo ay xabsi,jidh-dil iyo kufsi isugu dareen

7-Haybis Axmed Maydal oo ay xabsi,jidh-dil iyo kufsi isugu dareen

07-07-09 Deegaanka Biayso oo ka tirsan Degmada Fiiq ee gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysigu xabsi iyo jidh-dil isugu dareen: Gaboobe Axmed Khaliif

Degmada Dannood ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku xidheen 03-07-09 Ibrahim Maxamed.

04-07-09 Garoonka oo ka tirsan Qoriile waxaa lagu xidhxidhay :

1-Faadumo Cabdi Cawil

2- Ifraax Sheekh Cabdiraxmaan

Awbakaji oo ku taala galbeedka Fiiq waxay ciidamada gumaysigu xidhig iyo dhac isugu dareen:

1-Daahir Muxumed Ismaaciil oo ka dhaceen 7 neef oo adhi ah kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen.

2-Cabdullaahi Muxumed oo ka dhaceen 10 neef oo adhi ah kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen.

3-Aw-Muuse Aw-Aaden oo ka dhaceen 3 neef oo adhi ah kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen.

07-07-09 Magaalada Gabogabo duleedkeeda waxay ka qabteen ciidamada gumaysigu kadibna xabsiga u dhaadhicyeen Qorane Kaamil Muxumed.

Isla 07-07-09 Waxay ciidamada cabudhintu ku xidheen Bubaale Kaad Dhagaqool oo markii dambana laga waayey xabsiga ilaa iyo hadana aan la ogayn meel uu ku sugan yahay.

Ururka dhalinyarada Ogadenya ee qaarada yurub faraciisa wadanka

Finland ayaa isugu yimid shir lagu badalayaymaalmulkii hore oo xiligiisii dhamaaday laguna dooranayay maamul cusub oo hogaamiya faraca Finland,shirkaas oo ka dhacay caasimada Finland magaalada Helsink ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socday jaaliyada ogadenya ee wadanka Finland oo ay horkacayeen gudoomiyaha jaaliyada Mudane Cabdirashiid Colaad iyo ku xigeenkiisa Marwo Amino jwxo

Waxaa kaloo martiqaadka jaaliyada lagu casuumay kasoo qaybgalka shirka ku weheliyey xubnaha kala ah:
1. Axmed jamaal
2. Xasan Kamal
3. iyo Cabdullahi Cabdi-shukri

Gudoomiyihii ururka dhalinyarada faraca Finland ee hada xilka kadagay mudane C/khaddar ayaa warbixin kooban ka bixiyey waxyaabihii uu ururku ku talaabsaday dhanka hurumarinta iyo gaabiskaba mudadii uu hogaanka uhayay,waxaa kaloo madasha shirka si gooni gooni ah uga hadlay maamulka jaaliyadda oo dhalinyarada talooyin u soo gudbiyay.

Warbixinadaas iyo talooyinkaa kadib ayaa la guda galay sidii loo dooran lahaa maamulka cusub ee howsha la wareegaya waxaana si aqlabiyad ah laiskugu raacay inay hogaamiyaan ururka dhaliyarada faraciisa Finland Xubno ka kooban 6 dhalinyaro ah oo isuigu jira gabdho iyo wiilal oo uu horkacayo Shaafi Maxamuud Macalin oo loo doortay Gudoomiyaha ururkaas dhalinayaro.

Qaar badan oo kamid ah dhalinyaradii shirkaas kasoo qayb gashay ahaana xubno aan dhaarsanayn ayaa madasha shirka lagu dhaariyey waxayna dhalinyaradu codsadeen in loo qabto siminaaro lagu barayo taariikhda halgankooda iyo dhulkoodaba.

Radio Xoriyo

13 July 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka

 

Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

(Maxaa Saldhig u ah guulaha ONLF) Dagaladii oo sii xoogaystay iyo ciidamada Xoreynta Ogadenya oo balaadhiyey howlagadoda.

Posted by halgan at 18:43:17
Comments

Leave a Reply