Tuesday, May 19, 2009

Radio Xorriyo: Shirkada shidaalka baadha ee Petronas oo doonaysan inay shidaal ka qodo Ogadenya.

Shirkada saliida iyo gaaska ee wadanka Malaysia ee la yidhaahdo Petronas ayaa dib Itoobiya uga bilawday mashariicda baadhista Shidaalka oo ay horay hakad ugalisay kadib markii 74 shaqaale ah oo ay kamid yihiin 9-shiinays ah lugudilay tuulada Cobale ee gobolka Jarar.

Wafti heer-sare ah oo kasocda shirkadan ayaa todobaadkii inaga tagay Addis Abeba kulan kulayeeshay sarakiil katirsan wasaarada Tamarta iyo macdanta ee Itoobiya.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa usheegay wargayska Reporter in waftiga Malaysianka ahi ay xaqiijiyeen wasiirka macdanta iyo tamarta ee Itoobiya, Alemayehhu Tegenu iyo madax kale oo katirsan wasaarada oo uu kamid yahay madaxa waaxda Batroolka Dr Ketsela Tadesse inay hirgaliyaan mashruuca baadhida shidaalka dooxooyinka Ogaden iyo Gambella.

Hawl-wadeenada shirkada Petronas ayaa waxay cadeyeen siday diyaarka uguyihiin siiwadida hawlaha mashaariicda baadhida shidaalka. Petronas ayaa hashiis lagashay shirkad saldhigeedu yahay Dubai oo lagu magacaabo Weather Ford.

Ilo wareed aad ugu dhow shirkadaas ayaa war-gayska Reporter u sheegay in shirkada Weather Ford ay Ogolaatay in ay ceelal shidaal ka qoddo Ganaane (Genale Block 11 iyo 15) Waxayna bilowday shirkadaas la yidhaahdo Weather Ford in ay dal-dasho shaqaalihii iyo qalabkii hawsha lagu qabanlahaa. Weather Ford ayaa waxay hawlo baadhis shidaal iyo gaas kawadaa Bariga Dhexe.

Sanadkii 2004 ayaa shirkada Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB) oo shiinays ah ayaa waxaa qandaraas siiyay Petronas si ay baadhis ugu samayso iyo inay ka qoddo ceelal shidaal Gobolka Gambella “Block” AAGAG ay iska leedahay Petronas oo kufadhiya baaxad dhuleed dhan16,000 sq.Km . Bishi June2003 ZPEB ayaa waxay baadhis warbixin ka uruurisay dhula kufadhiya baaxad dhan 1500km.

Sanadkii 2005-tii ayay shirkada ZPEB ayay ceelkii ugu horeeyay ka qoday agagaarka Jikow oo 175 Km ujirtaa xuduuda Itoobiya iyo Sudan.

Dhinaca kale,isla sanadkaas Petronas waxay heshiis kulagashay shirkada ZPEB in ay baadhid kasamayso Ogadenya. Bishii Luuliyo 2005,Petronas ayaa waxay ku guulaysatay in ay hesho saddex aag oo Ogadeenya kamid ah-Aaga Ganaane (24,420 sq.Km, Qalaafe 30612 sq.Km iyo Walwaal-wardheer 36,796 sq.Km. Sanadkii 2006 ZPEB waxay bilawday inay daraaso kusamayso saddexdaas aag.

Oktoobar 2006, South West Energy waxay qandaraas siisay ZPEB in ay daraaso ugu samayso wadanka Ogaden.

South West Energy, shirkadan oo uu leeyahay nin ganacsada ah, oo udhashay Itoobiya ayaa ku guulaysatay Disembar 2005 in ay shidaal ka qoddo agaa dhagaxbuur dhul dhan 21,187 sq.Km Janaayo 2007,ZPEB ayaa waxay hawlaha badhitaanka kabilawday agaaga dhagaxbuur.Abriil 2007 Jabhada Waddaniga ah ee Xoraynta Ogadeenya ayaa waxay weerar ku qaaday Cobale oo kutaala gobolka Dagaxbuur ee Ogadenya.Waxaa goobta kunaf waayay 74-ay kujiraan 9 udhalatay waddanka shiinaha.

Ciidanka qalabka sida ee xoreyta Ogadenya ayaa digniin kama dambays ah u diray shirkadaha weli damaacigu kaga jiro inay shidaal ka qodaan ogadenya,waxayna ciidanka qalabka sida wacad kumareen inaan koob gaas ag laga qaadin dhulka Ogadenya inta shacabkii lahaa dulman yahay ee ay ka xoroobayaan,digniinahan ay ciidanka qalabka sidaa soo jeedinayaan ayaa farriin dhab ah u noqonaysa shirkada iyo shaqaalaha lagusoo daabulayo ogadenya si ay shidaal uga baadhaan ama uga qodaanba.18 May 2009

Cabdinuur Sh. MaxamedHalgan Guuleed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Posted by halgan at 14:47:34 | Permalink | No Comments »

Woyanne Forces Back Into Somalia.

Ethiopian military forces have crossed back into Somalia, four months after leaving, witnesses told the BBC.

Their reported return comes as Islamist militants continue to seize towns from the fragile Western-backed government.

One resident said he saw Ethiopian troops digging trenches in Kalabeyr, a key junction that links much of Somalia to the Ethiopian border.

An Ethiopian spokesman denied the reports. Its troops left Somalia in January after two years in the country.

They entered Somalia in 2006 to help oust Islamist forces from the capital Mogadishu but withdrew under a UN-backed peace deal.

When its troops left, Ethiopia made it clear it did still reserve the right to intervene in Somalia if its interests were directly threatened.

There have been several reports of the Ethiopian military crossing into Somali territory for hot-pursuit operations, or to check vehicles moving in the border area.

The BBC’s Elizabeth Blunt in Addis Ababa says the latest reported troop movements may well be part of a similar, limited operation.

But Ethiopian foreign ministry spokesman Wahade Belay denied the reports.

“This is a totally fabricated story. We have no plans to go into any of Somalia’s territory,” he told Reuters news agency.

Language

Kalabeyr resident Fadumo Du’ale told the BBC’s Mohamed Olad Hassan on Tuesday: “They have crossed the border late last night and they are here now. They look to be stationing here.”

The town lies 22km (14 miles) from the Somali-Ethiopian border.

Another resident, Tabane Abdi Ali, told the BBC: “We recognise them because of their military uniform and the language they were speaking.”

Bus driver Farah Ahmed Adaan told our correspondent he had spotted “a lot” of Ethiopian troops with 12 military vehicles.

“Some of them were digging trenches while others were guarding the whole area,” he said.

“They stopped me and checked my car and then ordered me to move.”

On Sunday, fighters from the al-Shabab group, which is linked to al-Qaeda, took the key town of Jowhar from government forces.

This is the home town of President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and now that the country’s rainy season has arrived, Jowhar is the only passable route into central Somalia from the capital.

Since withdrawing at the beginning of the year, Ethiopian troops have kept up a strong presence along the Somali border.

Ethiopia, a US ally, invaded its war-torn neighbour in December 2006 to prop up the transitional government and initially everything went according to plan.

Rebel resistance melted away before the 3,000-strong Ethiopian advance and the Somali government was able to set up in Mogadishu.

But the government did not extend its control and the Islamists continued to launch deadly attacks on both Ethiopian and Somali government forces.

About 4,300 Ugandan and Burundian peacekeepers from the African Union have arrived in Mogadishu, where they have taken up positions vacated by the Ethiopians in January.

But analysts say they are only in effective control of the presidential palace, airport and seaport in Mogadishu, while the Islamist guerrillas control chunks of the capital, along with swathes of central and southern Somalia.

Posted by halgan at 14:25:58 | Permalink | No Comments »

Saturday, May 16, 2009

Barnaamijkii Radio Xoriyo

15 May 2009    

  • Xagal Maxaabiis ah oo laga qabtay ciidanka gumaysiga iyo maleeshiyada dabaqoodhiga
  • Dagaalo xoog leh oo  lagu qaaday dhufaysyada ciidanka gumaysiga Itoobiya.
  • Boob iyo dhac ciidanka gumaysiga Itoobiya u gaysteen dad shacab ah.
  • Saraakiil ka tirsan hay,adda Qaramada Midoobay oo gargaar dagdag ah u codsaday 19 Milyan oo ku macaluushan geeska Afrika.
  • 14 qof oo isku qoys ah oo ku maanshooday xeebaha Jubadda Hoose ee Soomaaliya.
  • Barnaamijkii Xog-Warran(Astaamaha lagu garto xukuumadaha sii dhacaya). DHAGAYSO

======================     

Xagal Maxaabiis ah oo laga qabtay ciidanka gumaysiga iyo maleeshiyada dabaqoodhiga


Warar madax banaan oo aan ka heley ilo xog ogaal ah oo ku sugan gudaha Ogadenya ayaa Radio Xoriyo u sheegay in maleeshiyaadkii dhidid dhowrkii u ahaa ciidamada gumaysiga Itoobiya ee laga soo yabyabay magaalada Jigjigga ay khasaare ba,an oo dhimasho iyo dhaawacba leh la kulmeen iyaga iyo ciidamadii gumaysiga ee ay ka garab dagaalamayeen dhowrkii todobaad ee ina soo dhaaftay.

Shaqsiyaadka xogtan soo gaadhsiiyey Radio Xoriyo  ayaa intaa ku darey in maleeshiyaadkaas  daba dhoonka ah  loo qaybiyey goobo markii hore ciidamada wayaanuhu daganaan jireen oo ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ay si xun ugu waxyeeleeyeen ka dib markii naftood hurayaashu ay goobahoodii ku weerareen.

 Dadka aan warkan ka heley oo gaar ahaan magaalada Dhagaxbuur ku sugnaa ayaa waxaa hadaladooddii ka mid ahaa, “Meeshan waxa ka socda ma aha wax laga sheekayn karo. Madaxa kor cid u qaadi karta ma jirto. Daba qoodhi iyo ciidankii gumasysigu waa go,een oo dhaawacooda iyo meydkooda ayaa la kala guri la’a yahay. Dhufayska wax ka bixi karana ma jiro, marka war badan idinma siin karo hada laakiin hawlo adag ayey nimanka duurka ku jiraa wadaan.”

Mooraalka shacabka Ogadenya guud ahaan ayaa  aad iyo aad u sareeyo, lagana dareemi karaa meelkasta oo aad tagto iyada oo dadku isha isugu baaqaan meelaha jaajuusiintu joogto.

Dagaalo xoog leh oo  lagu qaaday dhufaysyada ciidanka gumaysiga Itoobiya.

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa 05-05-09  madfac la beegsaday baabuur uuraal ah  oo uu Saarraa Shidaal Gaadhayey 260 Foosto oo  Gaas ah,waxaana halkaas ku basbeelay baabuuskii iyo shidaalkii saarraa,iyadoo holaca shidalkaas gubtay la arkayay maalmo iyo habeena dhan.

Dagaalo goos-goos ah oo dhex maray ciidanka xoreynta Ogadenya iyo ciidamada

naflacaariga gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka gumaysiga lagaga qabtay maxaabiis dhan 20 Woyaane , halka dabaqoodhi ka garab dagaalamayayna laga qabtay  50 oo markii la sii daayey markii la ogaaday inay yihin dabaqoodhi si qasab ah lagu keenay goobaha dagaalka.

5/05/09 Meesha la yidhaa Jimbac oo ka tirsan Hargeelle  dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari  waxaana lagaga dhaawacay 4 kale.  

Degmada Guna-gado ee gobolka  Jarar dagaal ka dhacay 6-05-09  waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 10 askari halka dhaawucuna uu gaadhay 14 wayaane.

Boob iyo dhac ciidanka gumaysiga Itoobiya u gaysteen dad shacab ah.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee cabudhiska u jooga Ogadenya ayaa 06-05-09 magaalada Garigo`an ee gobolka Nogob ku jidh-dilay dadka kala ah:

  • 1-Xuseen Adan Fadhi
  • 2-Shaafi Abdullahi Adan
  • 3-Daahir Mohamed Ibraahim

02-05-09 waxay  ciidamada dilka ku caan baxay ku dileen tuulada Qamuuda ee gobolka  Doollo alle ha unaxariistee :C/lllaahi Aw-Faarah.

Degmada Garbo ee gobolka Nogob 20-04-09 waxay ciidamada gumaysigu ku dhaceen

Sheekh Maxamed Cabdi Cumar waxayna ka dhaceen 1000  Bir .

24-04-09 Abbaa-qoroow oo ka tirsan gobolka Shabeele waxay ciidamada saamalaluudka ahi jidh-dil ugu gaysteen:

  • 1-Maryan Cali
  • 2- Axmed Haybe Muxumed

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee kufsiga iyo waxyeelaynta shacabka loo keenay Ogadenya ayaa 24-04-09 waxa ay kufsi iyo jidh-dil ba,an u gaysteen hooyo Amina Xirsi Kooreeye ,xaalada haweenaydan ayaa aad looga dayrinayaa  dhanka caafimaadka.

Sidoo kale 27-04-09 Degmada  Fiiq ee gobolka Nogob Waxay kufsi ugu gaysteen  Nimco mahad Iraad .

25-04-09 Jeexdin oo ka tirsan gobolka Qorahay waxay ciidamada gumaysigu  jidh-dil naf ka qaad ah ku dileen alle ha unaxariistee  : Faarah Cusmaan C/llaahi .

24-04-09 Degmada  Sagag ee gobolka Nogob Waxy ciidamada cabudhisku ku xidheen dad fara badan kadib markay ka waayeen siday rabeen,dadkan la xidhay oo aad u tiro badnaa ayay magacyadooda naga soo gaadheen dadka kala ah:

  • 1- Ruqiya Maxamed Axmed Deeq
  • 2- Xaliimo Sheekh Maxamed
  • 3- Xaliimo Sheekh Daahir
  • 4- Xaliimo Sheekh Maxamed Adan Shiil
  • 5- Xaliimo Saado C/llaahi
  • 6- Siyad Macalin Xasan
  • 7- Ruqiya Yusuf Cali Salaad
  • 8- Xamdiya
  • 9- Cali Qumis
  • 10- Gadhyare

Sidoo kale Isla Sagag 3 bishan Maajo ee aan ku jirro waxay kudileen ciidamada gumaysigu  5 Ruux oo Shacab ah  waxana kamida oo ay noo Suuroowday Magacyadooda inaan hello:

  • 1-Ardo Cali Goohe
  • 2- Deex Axmed
  • 3- Deeq Mahad

27-04-09 Barmiilka oo ka tirsan gobolka  Nogob Waxay ciidamada wayaanuhu ku dileen sadex duqay oo kala ah:

  • 1-  Cabdullaahi Khaliif Cali Yare
  • 2- Saxane Qallinle
  • 3-Macalin Saxardiid

27/04/09 Deegaanka Malqaqa ee gobolka Nogob  waxay ciidamada daalan ee gumaysiga Itoobiya xidhay iyo jidh-dil isugu dareen:

  • C/llaahi Muxumed Dayr-dhalad .

30/04/09 Isla Degmada  Gunagado  waxay ciidamada gumaysigu jidh-dil iyo xadhig isugu dareen dadka kala ah:

  • 1-Mahad Cabdi Nuur
  • 2-Cabdi Mahad
  • 3.Maxamed Cabdi

Waxayna Degmadaas Gunagado ku dhaceen nin la yidhaahdo

Maxamuud Fardiid oo ay ka dhaceen waa ciidamada gumaysiga e hanti gaadhaysa 10 Kun oo birr .

Isla taariikhdaas 30 –04-09 deegaanka Yaxoob oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidanada gumaysiga Itoobiya ku xidh-xidheen dad badan oo ay kamid yihin:

  • 1-       Carab Xassan Ismaaciil
  • 2.       Cabdi nuuriye
  • 3.       Ibraahim Sh maxamed
  • 4.       C/llahi Cabdi Muxumed
  • 5.       Xayi Xasan Dahir
  • 6.       Tamaan Mahad Nuur Axmed Cismaan
  • 7.       Axmed Adan Dhiil
  • 8.       Adan Maxamed Wali
  • 9.       Maxamuud Maxamed Cawl
  • 10.   Xasan Gaballaax
  • 11-Xuseen Maxamed Cumar

Saraakiil ka tirsan hay,adda Qaramada Midoobay oo gargaar dagdag ah u codsaday 19 Milyan oo ku macaluushan geeska Afrika.

War ay usbuucan dhexdiisii soo saareen, Saraakiil sarasare oo ka tirsan qaramada midoobay ayaa daaha ka rogay, in loo bahanyahay in gargaar binii adamnimo loo fidiyo dad kor u dhaafaya, 19 Million, oo ku kala Nool wadamada kala ah, Somaliya, Ogadenya, Kenya iyo Ethiopia, dadkan oo ay waxyeelo ba’ani ka soo gaadhay qulqulatooyin dagaal iyo abaaro ban, waa sida ay hadalka u dhigeene.

John Holms oo ah xoghayaha guud ee qaybta gargaarka binii aadamnimo ee Hayada Qaramada Midoobay, ayaa war saxaafadeed ku sheegay isaga oo jooga Geneva  in xaalada dalka Ethiopia ay ka sii darayso bilahan soo socda sababtuna ay tahay abaaro, sicir barar iyo colaado halkaasi ka aloosan. Waxaa uu sarkaalkani walaac badan ka muujiyay, roobabkii oo kayar intii lafilay inay u horseedi karto dalaga beeraha oo xumaada, sidaa daraadeedna loo bahanyahay in gargar cuno loofidiyo dadkani oo ay nafaqa daro badani ay haysato. 

Dinaca kale Mr. Holmes oo isla mar ahaantaana ah agaasimaha gargaarka dagdaga ah ee ee Qaramada midoobay ayaa Saxaafada caalamka u cadeeyay inaysan jirin wax ogolaansha fiican ah oo ay ka haystaan dhanka xukuumada kaligii taliye Meles Zenawi, waxa uuna hadalkiisi u dhigay sidatan, “Majirto heshiis lataban karo oo anu ku midaysanahay Xukuumada Ethiopia, balse waxaa jira qorshe gaaban oo aanu isku afgaranay xukuumada Meles inaan gargaar ugu fidino dadka tabaalaysan, lakiin fasaxa heshiiskani waxaa uu dhici doona Bishan Juun ee fooda inagu soo haysa. waxaase lagama maarmaan ah in la cisboonaysiiyo Heshiiskan.

Dhanka kale Hayada cunada Aduunka ee loo yaqaano WFP ayaa codsatay lacag dheeri ah oo gaadhaysa qiyaastii ilaa $ 236 Million oo doolarka Marykanka ah, si ay ugu socodsiiso qorsheheeda qargaar ee ku wajahan Ethiopia inta ka dhiman sanadkan 2009.   

Mark Bowden oo isagu ah xidhiidhiyaha gargaarka binii adamnida ee Ethiopia ayaa isna u sheegay saxaafada in sababa la xidhiidha abaaraha iyo colaadaha ka jira Ogadenya awgeed ay shacabka ugu deeqeen gargaar cuno.

Isaga oo hadalkiisii sii wata Mr. Bowden waxaa uu yidhi, “ Abarata sanadkani waxay ahayd midi ugu darnayd 10 kii sano ee lasoo dhaafay, saadasha roobkuna sanadkan ma wanaagsana, 24%  caruurta wadankani waxa ay la ildaranyihiin nafaqadaro xun. Waxaana lagama maarmaan ah in labilabo talaabooyin dheeria ah oo dhanka nafaqada caruurta ku wajahan”.

“Dagaaladan dib uga soo cusboonaaday maagaala madaxda Somaliya ee Muqdisho awgeed waxaa jirta cabsi wayn oo laga qabo barakac. Wakhtigan xaaliga ah waxaa jira dad kor u dhaafaya 1 Million oo barakacay, waxaa kaloo usbuucan dhamaadkiisii sii badanayay dad badan oo magaalada ka qaxaya”.

Ugu danbayntii Mr Bowden waxaa uu waji gabax ku tilmaamay, inay heleen oo kaliya

35 %  codsi dhaqaale oo gaadhayay $ 900 Million oo ay deeqbixiyayasha aduunkla kaga codsadeen inay ku taakuleeyaan Somaliya.

Sidoo kale waxay Tiri Aeneas Chuma oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee gargaarka dib u dajinta xafiiska Nairobi, “Kenya waxaa soo wajahday xalad cakiran oo binii aadamnimo, oo la xidhiidha abaaraha iyo sicirbararka. Dad lagu qiyaasay 10 Million  ayaa waxaa saamaysay xalad cuna yaraaneed.waxaa kale oo wadanka Kenya saamayn wayn ku yeeshay xaalada dhaqaala xumo ee aduunka ka taagan.

14 qof oo isku qoys ah oo ku maanshooday xeebaha Jubadda Hoose ee Soomaaliya.

Kudhawaad 15-qofood ayaa ku geeriyooday shil dooni oo ka dhacay Xeebaha gobolka J/hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka J/hoose ayaa sheegaya in ilaa 14-qofood  ku geeriyoodeen xeebaha gobolkaasi kadib markii dooni ay saarnaayeen ay gadisay dabeyn xoog badan oo xiligaasi socotay.

C/laahi Jaamac oo ka mid ah kaluumaysatada gobolka J/hoose ayaa Caawa Idaacada Shabelle u sheegay in doonidaani oo rakaabka u watay Jasiirad lagu magacaabo  Buurgaabo oo ku taala  gudaha  Badda markii ay rarka geysay halkaasi soo noqodkeedii ay qalibantay xili ay maraysay meel lagu magacaabo Bargaas oo muujado badani ay ka baxaan.

14-ka ruux ee ku geeriyooday shilkaasi dooni ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa hal famil ah  kuwaasi oo qaarkood meydkoodii la helay halka kuwa kalena la waayay inkastoo qaar ka mid ah dadkii saarnaa donidaasi ay ka bad baadeen.

Radio Xoriyo

15 May 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha  16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,

Posted by halgan at 17:57:43 | Permalink | No Comments »

Saturday, May 2, 2009

Barnaamijkii Radio Xoriyo

Banaanbax Weyn oo jaaliyada Ogadenya ee yurub ay ku horqabteen xarunta baarlamaanka Yurub(Strasbourg) France

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya

Waxyeelooyin kala duwan oo loo gaystay shacab rayid ah.

Barnaamijkii banaanbaxa Strasbourg ee wadanka France

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weli si xowli ah uwada hawgaladii ay ka wadeen dhammaan gobolada Ogadenya siiba gobolka Afdheer ee ay ciidaamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya kaga xoreynayeen guud ahaanba gayiga Ogadenya.

8-4-09 Raqay oo ku taala duleedka magaalada Baabili dagaal ka dhacay oo dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 askari Waxa kale oo lagaga dhaawacay 3 kale.

14-04-09 Malayko oo ka tirsan degmada Garbo ee gobolka Nogob Waxay ciidamada xoreynta Ogadenya ku gubeen 1 Uraal oo ay saaraayeen ciidanka gumaysiga Itoobiya waxaana halkaas ku basbeelay wixii Saraa oo dhan.

15-04-09 Deegaanka Fashuuq oo ka tirsan gobolka Afdheer fal ay ciidanka xoreynta Ogadenya ka fuliyeen ayay ku qabqabteen 15 Dabqoodhi ah,waano iyo wax u sheegid kadibna waa la siidaayey.

16-04-09 Deegaanka Horo-hawd oo ka tirsan gobolka Jigjiga Waxay ciidanka xoeynta Ogadenya ku dileen 5 Woyaane waxaa kale oo ay ku dhaawaceen 4 kale.

16-04-09 Tuulada Dalaad ee gobolka Qorahay waxay ciidanka geesiyiinta ah ee Ogadenya mireen Ciidan Woyaanaha oo meeshaas joogay ilaa haddana Khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay faahfaahin rasmi ah lagama hayo.

18-04-09 Meesha la yidhaahdo Dhuurrel oo ka tirsan gobolka Baali waxay ciidamada qalabka sida ee Xoreynta Ogadenya ku gubeen 2 Uraal oo ay ka buuxeen ciidamo wayaane ah waxaana halkaas ku basbeelay baabuurkii iyo ciidankii Wayaanaha ahaa oo dhan Waxaana la Sheegayaa Ciidanku in uu Ka badnaa 100 askari.

22-04-09 Tuulada Masalle oo ka tirsan degmada Ceel-karri ee gobolka Afdheer isku dhac ku dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

22-04-09 Deegaanka Mara-Maydh ee gobolka Nogob weerar gaadmo ah ay cwxo ku fuliyeen ciidan wayaane oo halkaas ku sugnaa ayay kaga dileen 4 wayaane ah waxaa kale oo ay kaga dhaawaceen 2 kale.

Waxyeelayn kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad rayid ah.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee cabudhiska iyo cadaadiska loo keenay Ogadenya ayaa weli wada dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay u gaysanayeen dad rayidka ah.

10-04-09 Iimayda-Bari waxay ciidamada naflacaariga ahi ee gumaysiga Itoobiya xidh-dil iyo xidhay isugu dareen dad badan oo ay kamid yihiin.

1- Faadumo Muxumed wali oo ah 80 Jira
2- Macalin Garaad Carab
3- Cismaan Waal Diriye
4- Jinni Amardiid oo 100 Sano jira waxaana loo jidhdilay Si Xun Amardiid Cabdi
Shugri Fooley Macalin Ibrahim Qoorsheel .

Jidh-dilka dadkaas shacabka ahi loo gaystay ayaa lagu soo waramayaa inay qaarkood halis yihiin loona diiday in la geeyo isbitaal iyo meelo lagu dhayo.

14-04-09 Dun-dumo-cadka oo ka tirsan gobolka Nogob Waxaa lagu xidhay Faarax Muxumed Cadde

16-04-09 Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee cabudhinta loo keenay Ogadenya ayaa dad fara badan ku xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur oo uu kamid yahay Cali Axmed Aw-Yusuf .

Isla 16-04-09 Tuulada Ceelxaar ee gobolka Jarar waxay ciidamada nacabka ahi ku xidheen Shiine C/llaahi Biinle .

20-04-09 Deegaanka Biyo-khadhaadhe oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen: Nimco Axmed .

Banaanbax Weyn oo jaaliyada Ogadenya ee yurub ay ku horqabteen xarunta baarlamaanka Yurub(Strasbourg) France

Waxaa Shalay 30 April 2009 magaalada Strasbourg ee waddanka France ka dhacay banaanbixi ay ku ballansanaayeen jaaliyadaha Ogadenya ee Europe.

Mudaharaadki wuxuu u dhacay sidii loogu talo galay qiiro badan iyo go’aan adagna uu ka muuqday dadka wajiyadooda.Waxaa muddo Shan saacadood ah la hortaagnaa Xarunta baarlamaanka Europe ee Strasbourg,waxaa meesha sawaxanka banaanbaxayaasha laga maqlay hal hayso caan u noqday qaddiyadeena sida:- What we want ? Freeeedom !!; When we want it ?? Now,
Free free free Ogadenia !!!, Meles down iwm, waxaa weliba maanta weheliyey maadaama aan joognay carro Faransiis LIBEREZ OGADEN oo macnaheedu yahay FREE OGADEN.

Banaanbaxan oo lagu beegay fadhi ay lahaayeen baarlamaanka yurub ayaa lagu qaybiyey waraaqo badan oo ka hadlayay tacadiga ay gumaysatada itoobiya ku hayso shacabka Ogadenya,waxay sidoo kale banaanbaxayaashu codsadeen in laga joojiyo itoobiya lacagaha iyo deeqaha sida indho la,aanta ah loo siinayo ee ay u adeegsanayso gumaadka shacabka Ogadenya. Jaaliyadihii kasoo qayb galay banaanbaxa waxay kala ahaayeen:

Jaaliyada Ogadenya ee United Kingdom
Jaaliyadda Ogadenya ee Denmark
Jaaliyadda Ogadenya ee Germany
Jaaliyadda Ogadenya ee Holland
Jaaliyadda Ogadenya ee Austria
Jaaliyadda Ogadenya ee Swiserland
Jaaliyadda Ogadenya ee Norway
Jaaliyadda Ogadenya ee Italy

Waxaan waxaa banaanbaxan la odhan karnaa jaaliyadaha Ogadenya ee Europe talaabo kale ayay horay u qaadeen.

01 May 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2009

Posted by halgan at 16:01:26 | Permalink | No Comments »