Radio Xoriyo November 29, 2008
|
||
|
||
|
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga . Dagaallo dhawrkii maalmood ee u denbeeyay dhex-maray CWXO iyo kua gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 22 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 26, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan; 25/11/08 Haar-caddey, oo Shaygoosh ka tirsan, waxaa weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa wali la helin. 24/11/08 Far-dhiig, oo Qabridaharre ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla 24/11/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugna Buunadada Qabridaharre, waxayna weerarkaas kaga dileen1 askari inta la ogyahay, 3 kalana way kaga dhaawaceen. Sidoo kale 24/11/08 Dusmo, oo Awaare ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. 20/11/08 Godaha, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. 19/11/08 dagaal ka dhacay Karin-barkhadle, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dilay. 18/11/08 Jugle waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla 18/11/08 dagaal isaguna ka dhacay Higlaale, oo Dhanaan ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. 12/11/08 weerar mir ah oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Aloosane, waxaa lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxyeellooyin uu gumaysigu u gaystay dadwaynaha rayidka ah. Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dhibaatooyin ugu gaystay dsadwayne rayad ah. Dhibaatooyinkan, oo isugu jira dil, jidhil iyo xidhay, waxay u dheceen sidatan; 24/11/08 La-helow waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo aanaan magaciisa haynin. 20/11/08 Daara-salaam waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo magacaabo Rashiid Axmed Gababe. 10/11/08 Gunagado waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Nuur Aw Cabdi. 23/11/08 magaalada Yucub waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 20 qof oo shacab ah, waxaanan magacyadooda helnay; 22/11/08 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 2 qof oo shacab ah, waxaana magacyadood haynaa; 21/11/08 Yucub waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen Gaari Xasan Xuseen iyo Sh Axmed Guure. 18/11/08 Huglaale waxay ciidammada gumaysigu jidhdil baʼan ugu gaysteen dadka kala ah; 17/11/08 Sasabane waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah; 15/11/08 magaalada Dannood waxay iyadana ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 4 qof oo shacab ah, waxayna kala yihiin; 14/11/08 Dusmo, oo Awaare ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen afar qof oo shacab ah, waxaana magacyadooda helnay; 04/11/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 6 qif oo shacab ah, waxaana magacyadooda haynaa; 20/11/08 Godaha, oo Dhuxun ka tirsan waxay ciidammada gumaysigu 2000 oo Bir kaga dhaceen nin shacab ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Jay. Hay’adda xuqqul insaanka caalamiga ee HRW ayaa waxay jawaab ka bixisay eedeeymo ay dawladda Itoobiy ku eedeysay in hay’adaasi gacan saar la lee dahay ururka ONLF War bixin 47 bog ka kooban ayay xukuumadda Gumaysiga Itoobiya ka soo saartey warixintii sanadka bartamihiissii ay ha’adu soo bandhigtey taas oo xukuumadda kali taliye Zanawi ku noqotay waji gabax iyo isagoo ku hungoobay damaciisii ahaa in shacabka S/Ogaadeenya ee uu gumaadayo ay noqon doonaan kuwa aan la ogaan oo indhaha caalamka ka qorsoon ka dib markii uu ka cunuqabateeyey wax walba oo nooluhu u baahnaa Sarkaal sare oo u qaabilsan arimaha Africa hay’ada Human Rights Watch ayaa sheegay inaysan arimaha Ogaadeenya muran u baahnayn dawlada K/Taliye Zinaawi aysan waxba qiiqa isku qarin wadanka Ogaadeenyana in gumaad ka dhacay la wada og yahay halka ay gudi ku sheegee Zanaawi direy soo sheegeen in hal qof kaliya la jir dilay askarigii dilayna la xidhay taas oo lagu tilmaamay wax lagu qoslo Dawlada Itoobiya haday run sheegayso ha furto albaabada hay’addaha caalamiga ha u ogolaato iyo saxaafadda waa la ogaan inay wax qarinayso iyo in kale ayuu yiri sargaalka u hadlay Hay’adda Xuquuqul insaanka 29 November 2008 Halgan Guuleed Radioxorio@radioxoriyo.com
|
28 November 2008