Saturday, May 31, 2008

Barnaamijkii Radio Xoriyo: qarax ka dhacay Nagayle

31 May 2008.

Saraakiil Itoobiyaan oo ku dhintay qarax ka dhacay Nagayle
Budhcad badeed soomaali ah oo labo markab afduubay arbacadii
Xildhibaan Maraykan ah oo ku dhawaaqay in Ogadenya ay xaq uleedahay aaya katalis.

Gudoomiye K/xigeenka 1aad ee jwxo oo waraysi muhiim ah siiyey Qorahay Online.

Ururada dhalinyarada Ogadenya ee qaarada yurub oo uu shir uga furmay Sweden.

======================

Saraakiil Itoobiyaan oo ku dhintay qarax ka dhacay Nagayle

Maalintii arbacada ahayd waxaa magaalada Nagayle qarax ka dhacay ku dhintay saraakiil ka tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya oo ilaa iyo toban lagu qiyaasay, kuwaasoo ka qayb qaadanayay xaflad lagu xusuyay sannad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay xilligii uu Ururka TPLF qabsaday xukunka Itoobya.

Ugu yaraan labo qarax oo kala duwan ayaa ka djacay Hudheel ku yaalla magaalada Nagayle oo xafladdaasi ka dhacaysay. Wararka halkaas ka imanaya qaarkood ayaa sheegaya in saraakiisha qaraxaas ku dhimatay ay yihiin seddex, shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan waxaa sheegtay inay ka denbeeyeey mid ka mid ah kooxaha Soomaaliya ka dagaallama ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidammada Itoobiya ay joogaan dalka Soomaaliya.

Xaflad middanoo kale oo sannadkii hore lagu qabtay magaalada Jigjiga oo loogu dabbaal dagayay xilligii uu TPLF Itoobiya qabsaday ayaa iyadana lala beegsaday qaraxyo, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo 11 qof, qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Markii ay bisha May 20ka ahayd waxaa magaalada Addis Ababa, gaar ahaan agagaarka xarunta wasaarada arrimaha dibada lagu qarxiyay bas yar oo ay ku dhinteen 6 qof oo uu ku jiray barfasoor dhalashadiisu Maraykan tahay.

Xukuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa qaraxan ku eedaysay ururka Oromada ee OLF iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritereya, hase yeeshee ururka OLF ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay eedda uu taliska Addis Ababa u soo jeediyay ee qaraxaas la xidhiidha.

Sidoo kale April 14keedii qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa waxaa ku dhintay 3 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa iyo 18 qof.

Budhcad badeed soomaali ah oo labo markab afduubay arbacadii

Budhcad badeed soomaali ah ayaa la sheegay inay maalintii arbacada ahayd xeebaha Soomaaliya ku afduubeen labo markab, kuwaasoo la sheegay in la geeyay meesha lagu magacaabo Raas Bina oo ku taalla xeebaha Woqooyi Bari ee dalka Soomaaliya, halkaasoo lagu sii haystay markab kale oo laga leeyahay dalka Hollannd.

Wali macluumaad badan lagama hayo labadan markab ee arbacadii la afduubtay, lamina garanayo dalalka ay ka diiwan gashan yihiin, hase yeeshee wararka afduubkan laga helayo ayaa sheegaya in budhcad badeedkani ay wateen labo Doomood oo kuwa dheereeya ah, isla markaana ay gantaalo ku weerareen maraakiibtan markii ay afduubayeen.

Budhcad badeedka soomaalida ayaa beryahan denbe caadaystay inay afduubaan maraakiibta adeegsanaya agagaarka xeebaha Soomaaliya, isla markaana lacago madaxfurasho ah dalbada, iyadoo in ka badan 1 milyan oo Doollar ay dhawaan ka qaateen markab laga leeyahay waddanka Spain.

Budhcad badeedka soomaalida ahi waxay inta badan ka hawlgalaan xeebaha Woqooyi Bari ee dalka Soomaaliya, halkaasoo maamulka Puntland uu sheegto inuu ka taliyo. Wasiir ka tirsan maamulkaas ayaa toddobaadkan sheegay in booliska Puntland uu la shaqeeyo budhcad badeedka afduuba maraakiibta ajnabiga ah.
31 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Posted by halgan at 21:22:41 | Permalink | Comments (1) »

Thursday, May 29, 2008

 

Three killed in Ethiopia blast: officials

AFP - Thursday, May 29

ADDIS ABABA (AFP) - - Bombs have exploded in two hotels in a southern Ethiopian town, killing three people and wounding five, security and government officials said Wednesday.

ADVERTISEMENT

“Two bombs blew up in two hotels last night. The second blast occured just three minutes after the first,” said Tamrat Abera, police chief for the town of Negelle Borena.

Information ministry spokesman Zemedkum Tekle had earlier mentioned only one blast taking place on Wednesday and gave a casualty toll of three killed and five wounded.

Negelle Borena is a small town located 595 kilometres (320 miles) south of the capital Addis Ababa, in the Oromo region, where rebels have fought for years over claims of marginalisation by the government.

“Some had their legs blown off. There was also serious damage to private and public property,” Tamrat told AFP. “We are undertaking a massive manhunt as we have been given details of what the bomber looked like.”

He said that the first bomb went off in a hotel called Kidane Mihret and the second in Shuferoch hotel, just a few yards away.

No armed group has yet claimed responsibility for the bombings.

The twin bomb attack came as the regime of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi celebrated Wednesday the 17th anniversary of former president Mengistu Haile Mariam’s ouster.

On May 20, a bomb went off on a minibus near the foreign ministry in Addis Ababa, killing six people, including a US national.

The authorities, who made several arrests, blamed last week’s explosion on Eritrea and the Oromo Liberation Front.

Three people were also killed and 18 wounded in bomb blasts at petrol stations in Addis Ababa on April 14.

Posted by halgan at 14:44:45 | Permalink | Comments (1) »

Sunday, May 25, 2008

Headline: Ethiopia: Ogaden rebels claim 57 soldiers killed in recent battles

Saturday the 24th of May, 2008

 

Text of report by Ethiopian opposition Radio Freedom audio website on 20 May

The Ogaden National Liberation Army and Ethiopian colonialist troops have recently fought battles in various places in the Ogaden [all places in southeastern Ethiopia]. Our Radio Freedom correspondent in the Ogaden reported that at least 57 colonialist soldiers were killed and 47 others were wounded in four days. The battles took place as follows:

On 17 May 2008, in a battle that occurred at a place called Hara Dhamo in Kebri Dehar, three colonialist soldiers were killed and six others were wounded. On the same date, 14 colonialist soldiers were killed and nine others were wounded in fighting that took place in Nusdariqa .

On 16 May 2008, in a battle that occurred in Abesale in Duhun, five colonialist soldiers were killed and six others were wounded.

On 12 May 2008, twenty members of the sluggish Ethiopian colonialist army were killed and 15 others were wounded in a tough battle in Obole.

On 9 May 2008, fifteen colonialist soldiers were killed and 11 others wounded in a battle that occurred in Dawa’aley.

Source: Radio Freedom, Voice of the Ogadeni People audio website in Somali 20 May 08

May 21, 2008

Posted by halgan at 02:31:26 | Permalink | Comments (1) »

Tuesday, May 20, 2008

Three killed in Addis Ababa blast

Three people have been killed and nine wounded in a blast on a minibus in the Ethiopian capital, Addis Ababa, state radio reports.

The blast occurred at 1930 (1630GMT) near the Ethiopian foreign ministry. All the dead and wounded were travelling on the bus, police say.

In April, three people were killed in explosions at two petrol stations in the city.

Ethiopia blamed them on Eritrean-backed militants - a charge denied by Eritrea.

Tensions between the two stem from Ethiopia’s failure to hand over the disputed town of Badme, which a UN-backed commission awarded to Eritrea.

Eritrea wants the international community to put pressure on Ethiopia to withdraw.

Details on Tuesday’s explosion are still sketchy but witnesses spoke of seeing the minibus being blown to pieces and bodies pulled from the wreckage.

Posted by halgan at 21:06:01 | Permalink | No Comments »

Monday, May 19, 2008

Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO oo kormeer hawleed ku tagey wadanka Jarmalka

May 17, 2008 Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO Mudane Cabdiraxman Sh-Maxamed Mahdi (Maadey) iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa kormeer hawleed ku tagey wadanka jarmalka taariikhdu markey aheyd 10.05.2008.

Mudane Cabdiraxman iyo Wafdigii uu Hogaaminayey waxaa ku soo dhoweeyey Garoonka Diyaarada ee magaalada Frankfurt Maamulka Jaaliyada Ogadenia ee jarmalka iyo Masuuliin ka tirsan golaha dhexe ee JWXO oo halkaas ka hawl-gala.

Qado sharaf Mudane Cabdiraxman iyo Wafiga loogu sameeyey xarunta Jaaliyada ee magaalada Offenbach kadib, wuxuu la shirey Mudane Cabdiraxman Jaaliyada Ogadenia ee jarmalka, shirkaas oo socdey mudo 5-Saacadood ah, wuxuu mudane Cabdiraxman si aad ah ugu sharxey meesha uu maanta maraayo halganka Xoreynta Ogaadeeniya, sida ay Geesiyada JWXO u caabiyeen Jabhada Tigreega ee ku soo duushey Ogaadeeniya 17-sano ka hor, waxaa iyaguna Shirka ka hadley masuuliinta Jaaliya Ogaadeeniya ee jarmalka oo cadeeyey sida ay ugu faraxsan yihiin qaabka uu usocdo halganka Xoreynta Ogaadeeniya iyo sida ay Jaaliyada Ogaadeeniya ee jarmalku u taageersan tahey halganka xaqa ah ee shacabka Ogaadeeniya ugu jiro Xoreynta Ogaadeeniya, intaas kadibna shirkii ayaa la soo gabagabeeyey iyada oo dhamaan ka qayb-galayaashii ay midmid u gacan qaadeen Mudane Cabdiraxman iyo wafdigii uu Hogaaminayey.

11.05.2008 Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO Mudane Cabdiraxman-Sh-Maxamed Mahdi iyo Wafdiga uu Hogaaminayey oo ay garab-socdaan Maamulka Jaaliyada Ogadenia ee jarmalka waxey Magaalada Frankfurt kaga qayb-galeen Shir si wayn loo soo agaasimey oo lagaga hadlayey xad-Gudubyada ay Itoobiya ka wado dhamaan Gobolka geeska Afrika khaasatan; Ogaadeeniya, Oromiya, Sidaama, Bin-Shanguul, Amhara-Region iwm, Shirkan oo socdey mudo 8-saacadood ah, waxaa ka hadley Mudane Cabdiraxman Sh-Maxamed Mahdi(Gu.Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO), Hogaanka Arimaha Dibada ee OLF (Oromiya) Hogaanka armaha Dibada ee Jabhada Sidaama iyo Masuuliin kale oo aad u badnaa, gabagabadii iyo gunaanadkii shirkana waxaa la isku raacey in gumeysiga itoobiya ay Hogaamineyso TPLF meel looga soo wada jeedsado, Halgamada Hubeysan iyo kuwo siyaasiga ahna la sii laban-laabo.

Dhinaca kale khubaro ka kala socotay dalka Jarmalka iyo ingiriiska ayaa iyaguna shirka ka hadley oo caddeeyey in maanta beesha caalamku aad uga xuntahay dhibka ka socda geeska afrika gaar ahaan Itoobiya iyo Somalia, dhibkaas oy wado bay dheheen dawlad ku sheegta itoobiya ay TPLF Hogaamiso, ayaguna ka khubaro ahaan ay aad ugu hawlahan yihiin sidii tageero caalami ah loogu heli lahaa xaq u dirirka JWXO iyo Jabhadaha kale ee Halgamaya. Ugu dambayntii khubaradaas iyo jaaliyada iyo masuuliinta JWXO ee Jarmalku waxey ku heshiiyeen in xiliyada soo socda iskaashigooda kor loo qaado.

Gaboose Odeywaa
Germany

Posted by halgan at 13:33:18 | Permalink | Comments (1) »

91 Ethiopian soldiers killed in Somalia

Roadside bombs and heavy clashes have reportedly killed at least 91 Ethiopian troops near Somalia’s Lower Shabelle region, Wenla-Weyne town.

Ethiopian soldiers, leaving Afgoye and Baidoa towns were targeted by roadside bombs planted earlier by the fighters of the Union of Islamic Courts, Press TV correspondent reported on Sunday.

The blasts left at least 60 Ethiopians killed and completely wrecked their three military vehicles, the report added.

The fighters then, using bazookas killed several others in a bloody battle which lasted for nearly 3 hours.

Meanwhile, the spokesperson of the Union of Islamic Courts (UIC), Abdi Rahim Isse Addow, confirmed that UIC fighters have seized the area. He claimed that more than 144 Ethiopian soldiers were killed in the clashes.

Posted by halgan at 00:12:15 | Permalink | Comments (1) »

Sunday, May 18, 2008

Heavy Somali clashes leave 50 dead

More than 50 people, including civilians, have reportedly been killed and dozens injured in heavy clashes across war-torn Somalia.

Armed rebels carrying bazookas attacked a military base in north Mogadishu near the Arafat Hospital. At least 12 Ethiopian soldiers were killed and more than 25 were injured.

At least eight civilians were also killed during the clashes and most of the residents are fleeing the area, said a Press TV correspondent in Mogadishu.

Meanwhile, fighters from the Islamic Courts Union (ICU) took control of Jilib town, 365 kilometers south of Mogadishu, after heavy clashes with militiamen loyal to the Somali government, a senior ICU leader told our correspondent.

At least 31 militiamen were killed in clashes.

Somalia has been without a central government since President Siad Barre was overthrown in 1991.

Posted by halgan at 01:22:28 | Permalink | Comments (2)

Saturday, May 10, 2008

Barnaamijkii Radio Xoriyo 10 May 2008.

Saturday the 10th of May, 2008

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay xadgudbyada ay ka wadaan Soomaaliya
Eritereya oo beenisay eed-sheegashada Jabuuti
Xukuumada Gumaysiga oo ku guuldaraysatay inay safiir cusub ku yeelato Australia.
Banaanbax lagu cambaaraynayay maamulka Puntland oo ka dhacay Afmadow(Waraysi Suldaan Saabir Khaliif)

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Toddobaadyadii ina dhaafay dagaallo badan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 91 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 107 askari. Waxaa kaloo ciidammada gumaysiga dagaalladaas lagaga furtay hub kala duwan, sidaas waxaa noo soo shaagay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasina waxay u dhaceen sidatan;

08/05/08 Bashuuro, oo Fiiq ka tirsan, waxaa lagu weeraray ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaa weerarkaas lagaga dilay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale lagaga furtay hub iyo saanad kale oo millatari.

07/05/08 dagaal ka dhacay Miir-danbas, oo Caado u dhaw, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/05/08 dagaal ka dhacay Cawl-ku-dhal, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxaa ciidammada gumatysiga lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

02 iyo 03/05/08 weerarro gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u joogay Samu, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 02/05/08 dagaal ak dhacay duleeska Garasley, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

02/05/08 dagaal adag oo ka dhacay duleedka Dudumo-cad, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/04/08 cutubyo ka tirsan CWXO ayaa weerarro la isku beegay oo mir ah ku qaaday seddex xero oo ciidammada gumaysigu ku leeyihiin magaalada Fiiq, waxaana inta la ogyahay weerarradaas cadowga lagaga dilay 45 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 50 askari. Weerarradan ayaa ahaa kuwo si fiican loo qorsheeyay, waxaana la gubay qaybo ka mid ah xeryihii la weeraray.

21/04/08 Gidhibka, oo Godey ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/04/08 dagaa isaguna ka dhacay duleedka Laas-dhankayrre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo ku sugan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.

05/05/08 Xero-safar, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Faalug C/raxmaan iyo
2- Deeq Axmed Taajir

Isla 05/05/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dannood ku xidhxidheen dad badan oo shacab ah, waxaana magacyadooda helnay dadka kala ah;
1- Axmed Daa’uud Xaashi
2- Xasan-raage Saahid
3- Sh C/llaahi Saahid
4- Dhabbar Saahid iyo
5- Xasan C/llaahi Aaden

30/04/08 Gudhis waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Sahra Gaboobe
2- Sacda Bashiir Aaden
3- Buux Cakuulle Axmed
4- Axmed Nuur Cabdixayi iyo
5- C/llaahi Xukun Amiir

29/04/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen gabdhaha kala ah;
1- Ruqiya C/qaadir Qalinle iyo
2- Hinda Nadiir

28/04/08 magaalada Iimey waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen ninka lagu magacaabo Cabdi Xuseen Qorof.

27/04/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen labo gabdhood oo lagu kala magacaabo;
1- Xabsa Aw Muuse
2- Caasha Amal Cumar

Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay xadgudbyada ay ka wadaan Soomaaliya

Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa si kulul u eedeeyay xadgudubyada naxariis darrada ah ee ciidammada gumaysiga Itoobiya ka wadaan dalka Soomaaliya.

Ururka Amnesty International warbixin uu toddobaadkan soo saaray ayuu ku sheegay in dadka soomaaliyeed loo gaysto dil, kufsi, jidhdil, isla markaana hantida la booboo oo xaafado dhan la burburiyay guud ahaantoodba.

Dad uu waraystay ururka Amnesty International oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dadka si ba’an loo xasuuqo, iyadoo ragga Xiniinyaha laga gooyo intaan la dilin, dumarkana la kufsado. Xadgudubyadan ayaa lagu eedeeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya ee haysta dalka Soomaaliya iyo malleeshiyooyinka dowlaga ku meelgaadhka ah ee la hawlgala ciidammada Itoobiya.

Ururrada Bulshada ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in warbixinta Amnesty International ay wax yar ka tilmaantay dhibaatooyinka ay ciidammada Itoobiya ka gaystaan dalka Soomaaliya, iyagoo intaas raaciyay inay adag tahay in xadgdubyadaas la wada-ogaado, maadaama oo ururrada xuquuqul insaanka laga mamnuucay dalka Soomaaliya, ururrada samafalkuna ayna si fiican uga hawlgalin.

Ciidammada Itoobiya ayaa sida caadada u ahayd waxay cagta mariyeen dadwaynaha rayadka ah ee Soomaaliya, ka dib markii ku guul darraysteen inay iska caabiyaan xoogagga soomaaliyeed ee la dagaallamaya, kuwaasoo beryahan denbe guulo la taaban karo ka soo hoyiyay ciidammada gumaysiga, isla markaana ka qabsaday magaalooyin badan oo ay horay u haysteen.

Eritereya oo beenisay eed-sheegashada Jabuuti

Dowlada Eritereya ayaa beenisay eed-shaagasho kaga timid dhinaca Jabuuti oo ku saabsan in ciidammada Eritereya ay galeen qaybo ka mid ah dalka Jabuuti.
Dowlada Jabuuti ayaa horraantii toddobaadkan waxay warqad cabasho ah u qortay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ay ka codsatay inuu soo kala dhex-galo iyada Eritereya oo isku khilaafsan tuulo xadka ku taalla oo lagu magacaabo Doumeira.

Dowlada Jabuuti ayaa cabashadeeda ku sheegtay in Eritereya ay maab cusub samaysay, kaasoo ay ku muujinayso in tuulada Doumeira ay ka mid tahay dhulka Eritereya.

Danjiraha Eritereya ee Midowga Yurub ayaa sheegay inaanuu warqadaas waxba kala soconin, isla markaana ay dowlada Eritereya aad ula fajacday eed-sheegashada Jabuuti. Wuxuu kalo intaas raaciyay in dalka Eritereya aanuu wax dhibaato ah la wadaagin Jabuuti, waligiina aanuu dhibaato u gaysanin.

10 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Posted by halgan at 19:34:09 | Permalink | Comments (1) »

Tuesday, May 6, 2008

Woyanne Troops gang-raping women.

Amnesty International says Ethiopian troops support the Somali government’s killings by slitting people’s throats and gang-raping women.

It released a report on Tuesday containing chilling witness accounts of indiscriminate killings, and even the intentional targeting of civilians, in the Horn of Africa nation.

The accounts single out Ethiopian troops for some of the worst violations.

There exists scores of reports on killings by Ethiopian troops, describe by Somalis as “slaughtering like goats,” the human rights group said.

“The main thing really that came out was that Ethiopian troops have been involved in going into areas after there have been attacks by militias, cordoning off the areas with snipers and basically killing whoever is there,” said Michelle Kagari, the African Deputy Director of Amnesty International, told journalists at a news conference.

The report said in one case, a young child’s throat was slit by Ethiopian soldiers in front of the child’s mother.

The rights group called on the international community to act to bring to an end the atrocities committed against civilians in the country.

Ethiopia has rejected the report as unbalanced and ‘categorically wrong.’

The Ethiopian government last month denied an Amnesty report that accused its troops of the ‘targeted killing of civilians.’

Posted by halgan at 22:01:04 | Permalink | Comments (1) »

ONLF Statement On Secret Pact Between The Puntland Regional Authority & Ethiopia


5 May 2008

The Puntland regional administration of Somalia has entered into a secret security agreement with the Ethiopian regime in which Puntland has agreed to transfer private citizens from Ogaden and any ONLF officials who enter Puntland to Ethiopian security officials. In exchange, the Ethiopian regime has agreed to provide arms and military training for Puntland authorities in clear violation of the United Nations arms embargo on Somalia.

Dozens of Ogaden Citizens are now being arrested throughout Puntland in an ongoing crackdown against our people who have fled Ethiopian persecution to seek refuge in the regional state. At least five private citizens of Ogaden have been confirmed to have been transferred to Ethiopian security officials after being arrested in Galkacyo on the 1st of May 2008. This follows the detention and forced transfer to Ethiopian security forces of two ONLF Central Committee members in Garowe on April 22nd, 2008. Those individuals who have been transferred by Puntland to Ethiopian security officials face a real risk of torture and possibly execution.

The ONLF wishes to note that the ongoing crackdown in Puntland has created an inhospitable environment for our people fleeing Ethiopian persecution. As such, the ONLF calls upon international human rights organizations to closely monitor the plight of our people in Puntland. We further call upon the international community to take all necessary measures to safeguard the well-being of our people who have fled Ethiopian persecution and currently reside in Puntland.

The ONLF wishes to reiterate that the Puntland authorities bear sole responsibility for the consequences of the path they have chosen.

Ogaden National Liberation Front (ONLF)

Posted by halgan at 21:53:51 | Permalink | Comments (1) »