Dagaallo sin xun loogu jabiyay ciidammada gumaysiga.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo six un logu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumayisga Itoobiya. Dagaalladani waxay u dhaceen sidatan;
24/11/07 dagaal ka dhacay Jeerinka waxaa cidammada gumayisga lagaga dilay 6 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
22/11/07 dagaal gaadmo ah oo ka dhacay Bashuura, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 22/11/07 waxaa ciidammada gumaysi meel Labiga u dhaw lagaga gubay baabur Uuraal ah, iyadoo baabuurkaas iyo wixii saarnaaba ay halkaas ku bas-beeleen. Ciidammada gumaysiga ayaa markii khasaarahaas loo gaystay waxay gubeen guud ahaanba magaalada Labiga.
21/11/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa hawlgal ka fuliyay Gasaangas, waxayna hawlgalkaas ciidammada gumayisga kaga dileen 2 askari.
20/11/07 dagaal adag oo ka dhacay Qollaji, oo Baabili ka tirsan, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 15 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 17 askari.
Isla 20/11/07 Uubataale waxaa lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu leeyihiin, waxaana dhaawac xun la gaadhsiiyay mid ka mid ah baabuurtii gumaysiga, kaasoo halkaas laga jiiday. Khasaaraha soo gaadhay ciidammadii baabuurkaas saarnaa lama garanayo.
18/11/07 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumayisga ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuxun, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la helin.
17 iyo 18/11/07 waxaa ciidammada gumayisga lagu miray Gasaangas, iyadoo loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la helin.
16/11/07 Ina-Ayro, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa weerar loogu gaystay koloyo baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu, waxaana weerarkaas lagaga dilay 15 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
14/11/07 Barmiilka waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana laga dilay 4 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.
10/11/07 dagaal gaadmo ah oo lala beegsaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Xamaro, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 9 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 10/11/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysigu iskaga horimaadeen Gasaangas, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 33 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaaacay 13 askari. Ciidammada gumayisga waxaa sidoo kale Gasaangas lagu miray 11/11/07, iyadoo loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la helin.
08/11/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday cidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxaana la xaqiinayaa in ciidammada gumayisga weerarkaas lagaga dilay 9 askari, 8 kalana lagaga dhaawacay. Mar kale ayaa isla taariikhdan weerar loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo rondo ku jiray, waxaana laga dilay 5 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.
02/11/07 Dagaal Aloosane, oo Fiiq ka tirsan, ka dhacay waxaa cidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dad rayad ah oo gumaysigu laayay.
Ciidammada gumaysiga ayaa dadwaye rayad ah ku laayay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
21/11/07 Malqaqa waxay ciidammada gumaysigu ku dileen laba nin oo shacab ah, waxayna kala yihiin;
1- Ina Aw Aaden Xasan Nuur oo magaciisa hore aanaan haynin iyo
2- Ina Maxamuud Yuusuf Fidhin oo isagana magaciisa hore aanaan haynin.
16/11/07 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku dileen seddex wiil oo arday ah, kuwaasoo ay maydkooda diideen in la xabaalo, oo in ka badan hal maalin uu maydkoodu jidka yaallay. Ardaydan gumaysigu laayay waxay kala ahaayeen;
1- Maxamed Maxamuud Sheekh
2- Nuur Cabdi Xuseen iyo
3- Maxamed C/llaahi Sh Ismaaciil
Xidhay iyo jidhdil ciidammada gumayisgu u gaysteen dadwaynaha.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan xidhay, jidhdil iyo dhac isugu jira u gaystay dadwayne rayad ah.
20/11/07 waxay ciidammada gumaysigu Lix-irridoodka ka qaqabteen dad rayad ah oo aan la garanaynin meesha ay geeyeen. Dadkaasi waxay kala yihiin;
1- Nuur C/llaahi Wagan
2- Farxaan oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin iyo
3- Ina Xayle oo isagana magaciisa oo dhan aanaan haynin.
19/11/07 ciidammada gumaysigu waxay magaalada Caado ee gobolka Doollo ka gaysteen boob iyo jidhdil ay u gaysteen dadwaynaha deggan magaaladaas. Ciidammada gumaysigu waxay magaalada ka dhaceen hanti badan oo dadwaynuhu lahaa, waxaana ka mid ah dadka aan magacyadooda helnay ee dhaca iyo jidhdilka la isugu daray Macalin Siyaad Maxamed Yuusuf, oo ay ka dhaceen 7000 oo Bir, 2 Kiish oo Sonkor ah iyo 1 Kiish oo Bariis ah.
Isla 19/11/07 magaalada Shaygoosh waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah oo ay ka dhaceen ganacsigii ay haysteen, ka dibna ay ku ganaaxeen lacago farabadan. Dadkaas waxaa ka mid ah;
1- Xasan Aw Khaliif, oo ay ka xidheen maharaddii u haystay, isla markaana ay ku ganaaxeen 5000 oo Bir
2- Afyare Baaruud oo ay ku ganaaxeen 5000 oo Bir
3- Raxmo Maxamed Muxumed oo ay iyadana ku ganaaxeen 5000 oo Bir
4- Maryan Maxamed Muxumed oo ay ku ganaxeen 5000 oo Bir
5- Xaaji Cabdi Kood oo ay ku ganaaxeen 5000 oo Bir
6- Cabdi Maxamed Barkhadle oo ay 5000 oo Bir ku ganaaxeen iyo
7- Cali Ciilmooge oo ay 5000 oo Bir ku ganaaxeen
Waxaa jira dadwayne dadwayne ay tiradoodu kor u dhaaftay 50 qof oo ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen magaalada Shaygoosh, kuwaasoo ayna noo suuragalin inaan magacyadooda helno.
17/11/07 Warandhaab, oo Galadiid ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 35 Neef oo Adhi ah. Dadka Adhigaas lahaa waxaa ka mid ah;
1- Shukri Maxamed Duhur, oo 7 Neef lahaa
2- Xuseen Barre Cabdi Wacays oo isaguna 12 Neef lahaa iyo
3- Cabdi Nuur Barre oo saguna 10 Neef lahaa.
16/11/07 ciidammada gumayisgu waxay magaalada Fiiq ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo aad u farabadan, waxaana magacyadooda helnay;
1- Sahra Ducaale
2- Ubax Cumar Nuur
3- Ifraax Daahir
4- Faadumo Gaani
5- Cibaado Oomaar
6- Faadumo Jeelle Muxumed
7- Nuur Siraaje Xuseen
8- Bishaaro Axmed Janna-gale
9- Muqadin Gaas
10- Haweeya Axmed Godane
11- Sacda Godane
12- Xaashi Sh Maxamed
13- Saxane Nigaase
14- Raxmo Maxamed C/llaahi
15- Hinda Yuusuf Horor
16- Tamaan Mahad Baddal iyo
17- Khadra C/llaahi
15/11/07 mgaalada Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cali Sh Maxamed
2- Maxamuud Carab
3- Nuur Carab
4- Xasan Axmed Guulab
5- Dhaga-laab Maxamed Askar
6- Aw Guun Macalin Shafeec
7- Deeq Cabdi Cismaan
8- Sahra Sh Mukhtaar
9- Tamad Sh Cabdi
10- Faadumo Muxumed
11- Safiya C/qaadir
12- Xamdiya Khaliif Cali
13- Ruqiya Cabdi Axmed
14- Ruqiya Sh Cabdi Indhoole iyo
15- Cabdi Daahir
11/11/07 Buuxisada, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen Sareedo Cabdi C/llaahi iyo Canab oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin.
08/11/07 magaalada Sagag waxaa lagu soo xidhay niman xoolo dhaqato ah, kuwaasoo ay ciidammada gumaysigu soo xidheen ka dib markii ka dhaceen alaabo u saarnayd 10 Awr. Nimankani waxay kala yihiin;
1- Axmed Cabdi Madoobe (Fagadhe)
2- Ina Maxamed Yuusuf iyo
3- Maxamed Muxumed Yuusuf
31/10/07 Bashuuro, oo Fiiq ka tirsan, waxay cidammada gumaysigu ku xidhxidheen gabdhaha kala ah;
1- Hinda Yuusuf iyo
2- Raxmo Carab
Isla 31/10/07 Buuxisada, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Tamad Mahdi Budul iyo
2- Khadra Daahir Ismaaciil
Sidoo kale 31/10/07 Aloosane, oo Fiiq ka tirsan, waxaa laga soo xidhay gabadha lagu magacaabo Ayaan Cabdi Shuun.
Gudoomiyaha jwxo iyo wafti uu hogaaminayo oo la kulmay dowlada faransiiska.
Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha ONLF oo ay ka mid yihin Madaxa Hogaanka Arimaha Dibada Mudane Cabdiraxmaan Mahdi iyo Wakiilka ONLF ee Yurub Mudane Axmed Gurxan ayaa waxaa qaabiley Madax sare oo ka tirsan Dawlada Faransiiska. Kulankaas oo shalay ka dhacey Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Faransiiska ee Magaalada Paris, ayaa waxay madaxda ONLF la kulmeen madax ka socota Wasaarada Armaha Dibada ee Dalka Faransiiska iyo hay’ado madaxbanaan.
Kulankan ayaa waxaa lagu lafa gurey jawiga siyaasadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaan xaalada Itoobiya iyo Xasuuqa ay ka socda Ogadeniya.
Dawlada Faransiiska ayaa waxa ay muujisay sida ay uga xuntahay xasuuqa ka socda Ogadenia.
ONLF waxay soo dhaweysay sida dawlada Faransiiska uga gubatey xasuuqa Ogadeniya ka socda, waxayna dawladda Faransiiska ku boorisay in ay door ka qaadato arinta Ogadeniya iyo khilaafaadka ka jira Geeska Afrika.
Masuulka Qaramada Midoobay ee gargaarka oo booqasho ku tagaya Ogaadeenya
John Holmes oo ah ku xigeenka Xoghaye guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka ayaa la filayaa in uu booqasho labo maalmood ah ku bixiyo Ogaadeenya bishan dhamaadkeeda si uu u soo komeero howlaha QM ka wadaan gobalkaasi, hoowlahaa oo bilaabmay isbuucyo ka hor, iyo sidoo kale in uu indhihiisa ku soo arko dhibaatooyinka ciidamada gumeeysiga u geesteen dadka iyo dalka Ogaadeenya.
Masuulkan ayaa la kulmi doona Odayaasha dhaqanka ee Ogaadeenya si uu u helo wabixin waafi ah kuna saabsan baaxada aay gaarsiisan tahay dhibaatada Ogaadeenya ka taagan. Booqashada Mr, John Holmes ayaa ah tii ugu horeeysay oo sarkaal sare oo ka tirsan QM uu ku tago Ogaadeenya tan iyo sanadkii 2003.
Waxaan degdeg sanayaa booqashadan, si markaa QM u hubiso in dadka maatada ah u helaan daryeelka iyo caawinta eey uga baahan yihiin bulshada caalamka ayuu yiri Mr, Holmes. Isagoo hadalkiisa sii raaciyay in uu filayo in uu arko dowlada itoobiya oo si daacad ah ugu istaagta sidii loo hormarin lahaa xaalada bani’aadanimo ee Ogaadeenya is la markaana wada shaqeeyn aan xagal daacin lahayn arintan kala yeelata bulshada caalamka.
Mr, Holmes wuxuu tagi doonaa magaalooyinka Jigjiga iyo Qabridahare, goobahaa oo aay ku yaalaan xafiisyada heeyadaha QM ee ka howl gala Ogaadeenya. Dhamaadka safirkiisana wuxuu qaban doonaa war saxaafadeed ku saabsan wixii ka soo baxay socdaalkiisa.
19 heeyadood oo caalami ah ayaa waqtigan xaadirka ah ka howl gala Ogaadeenya, laakiinse aan heeysan xornimo buuxda oo aay ku tagi karaan meeshii aay doonaan si ay waajibkooda u gutaan. Mr, Holmes ayaa la filayaa in uu ku qasbo in itoobiya siiso xornimo buuxada oo xaga dhaqdhaqaaqa ah heeyadaha gargaarka sida uu dhigayso shuruucda caalamiga ah. Dhibaatooyinka gumeeysiga itoobiya ka wado Ogaadeenya ayaa ah kuwa joogto ah iyadoo xusuuqii ciidamada cadowga ka geesteen Ogaadeenya ugu danbeeysay weeraradii xaga cirka ahaa oo aay ku xasuuqeen dad reer miyi ah iyo xoolihii aay dhaqanayeen.
Hadaba waxaa loogu baaqayaa daweynaha reer Ogaaeenya guud ahaan, gaar ahaana Odayaasha dhaqanka ee la kulmi doona wafidgan in eey ka faa’ideeystaan fursadan is la markaana siiyaan saraakiishan ka socota QM warbixin dhameeystiran kuna saabsan dhibaatooyinka foosha xun ee nooc walbaleh oo aay itoobiya kula kacdo shacbiga gumeeysi diidka ah ee Ogaadeenya. Is la markaana muujiyaan in eey yihiin umad gumeeysi ku hoos jirta xalka rasmiga ahna uu yahay in umada Ogadenya hesho xuquuqdooda aasaasiga ah oo ay ugu horeeyso xaqa aaya-katashiga. Tan ayaa ah mida kaliya ee damaanad qaadi karta nabad waarta oo aay helaan shucuubta Geeska Afrika.
24 November 2007
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com