Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya
Wariyaha RX uga soo warrama furinta dagaalka ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
06/07/07 hawlgal si wayn loo qorsheeyay oo CWXO ka fuliyeen ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Fiiq, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 14 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay. Askarta hawlgalkaas lagu dilay waxaa ku jiro saraakiil, kuwaasoo maydkooda lagu qaaday diyaarad halokobtar ah.
8/07/07 koox Dabaqoodhi ah oo ciidammada gumaysigu iska soo hormariyeen ayaa soo weeraray cutub ka tirsan CWXO oo ku sugnaa degmada Haarcad, hase yeeshee CWXO ayaa is-difaacay markii weerarkaas xaqdarrada ah lagu soo qaaday, waxayna weerarka wadday ka dileen 13 ka mid ah, waxay sidoo kale ka dhaawaceen 9 kale.
03/07/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Waafdhuug, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/07/07 koox Dabaqoodhi ah oo cadowgu soo diray ayaa lagu halay meesha lagu magacaabo Dogobley, oo Maraacaato u dhaw, waxaana laga dilay 4, 8 kalana waa laga dhaawacay.
08/07/07 CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
10/07/07 waxaa la miray ciidan cadowga ka tirsan oo ku sugnaa Higlaley, waaxana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Dilal iyo xidhay ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dilal iyo xadhig ugu gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.
Nawaaxiga Labiga waxaa laga halay maydka dadwayne ka mid ah dadkii ay ciidammada Itoobiya ku xasuuqeen dhawr tuulo oo Dhagaxbuur ka tirsan oo Labiga ay ka mid tahay. Dadka maydkooda hadda la halay waxaa ka mid ah;
1- Sh Maxamed Xasan Waxar
2- Fatxi Cali Shide
3- C/llaahi Tima-jaad
4- Maxamud Maxamed Adhi-fuul iyo 2 carruur ah oo uu dhalay iyo
5- C/llaahi Muxumed Gaaxnuug
05/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen meesha lagu magacaabo Qaw-dheer, oo Dhagaxbuur u dhaw, ninka lagu magacaabo Maxamed Aaden Bulxan.
12/07/07 waxay ciidammada gumaysigu nawaaxiga Dhagaxbuur jidhdil xun ugu gaysteen oo ka dibna ay la tageen 3 nin oo shacab ah oo agacyadoodu ayna wali na soo gaadhin.
28/06/07 waxay ciidammada guaysigu ku xidhxidheen magaalada Dhagaxbuur dadwayne aad u badan. Dadkan ayaa markii denbe loo qaaday meelo aan la garanaynin, ka dib markii ay ciidammadu ka warhaleen in deegaanka ay imanayaan ergo ka socota Laanqayrta Cas, ilaa iyo haddana lama garanayo meesha ay dadkani ay ku xidhan yihiin. Dadkaas waxaa ka mid ah;
1- Bashiir Xaashi
2- Cabdi Madoobe Baddal
3- Maxamuud Cabdi Siraad
4- Faadumo oo magaceeda buux aanaan haynin
5- Qawad oo magaceeda buuxa aan la haynin
6- Ayaad Siyaad
7- Ifraax Xaaji Cali
8- Xuseen Macalin
9- Muxubo C/llaahi iyo
10- Khadra Cabdi Jaamac
15/06/07 waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen Garigo’anka Dhiyaad gabadh lagu magacaabo Ceeg Aw Muuse.
Bannaanbaxyada Jaaliyadaha Ogaadeenya.
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka jira dalalka kala duwan ee adduunka ayaa bannaanbaxyo isla xdhiidhsan ku qabtay meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah, iyagoo cabashooyin qoraal ah u gudbiyay dalalkii iyo gobolladii ay bannaanbaxyada ku qabteen. Bannaanbaxyada intooda badan waxaa la qabtay maalintii arbacada ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 11 July 2007.
11 July, Washngton, USA
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Magaaladda Washington, DC iyo Nawaaxigeeda ayaa qabatey bannaanbax aad u ballaadhan oo qayb ka ah bannaanbaxyada ay Jaaliyadaha Ogaadeenya kaga cabanayaan xasuuqa iyo gumaadka ay ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya.
Banaanbaxan, oo ahaa mid aan loo kala hadhin oo ay dadweynuhu si aad ah uga soo qayb galeen, waxaa lagu qabtay ka soo horjeedka xarunta wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maraykanka. Qabanqaabiyayaasha bannaanbaxan ayaa la kulmay Xafiiska Arrimaha Afrika u qaabilsan wasaarada arrimaha dibada, waxayna u gudbiyeen qoraal ay kaga cabanayaan gumaadka ay ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
Qabanqaabiyayaashu waxay dowlada Maraykanka ku adkeeyeen inay si dhab ah wax uga qabato xaalada murugsan ee Ogaadeenya ka jirta iyo denbiyada bani’aadamnimada ka baxsan ee Itoobiya ka galayso dadwaynaha Ogaadeenya.
11 July, Oslo, Norway
Jaaliyada Ogaadeenya ee dalkaka Norway ayaa iyaduna dhinaceeda qabatay bannaanbax wayn oo lagu qabtay magaala madaxda Norway ee Oslo. Bannaanbaxayaashu waxay socod ku mareen Jid wayn oo magaalada badhtankeeda mar, iyagoo hormaray xarunta Baarlamaanka iyo Qasriga boqorka Norway, ka dibna socodkooda ku dhammeeyay xarunta wasaarada arrimaha dibada, halkaasoo ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha Afrika oo kala ah; La-taliyaha guud ee arrimaha Afrika iyo ku xigeenka Arrimaha Bariga iyo badhtamaha Afrika, waxayna masuuliyiintaas u gudbiyeen warbixino iyo cabashooyin ku saabsan xaalada uu hadda dalka Ogadenya ku sugan yahay.
Haweenayda ku xigeenka ka ah arrimaha ariga iyo badhtamaha Afrika ee wasaarada arrimaha dibada ee Norway ayaa, iyadoo ku hadlaysa magaca wasaarada, waxay tacsi u soo gudbisay dhammaan shacabka Ogaadeenya oo ay uga tacsiyaysay gumaadka ay u ku hayaan ciidammada Itoobiya, waxayna sheegtay inay ka xun tahay cunaqabataynta hadda saaran shacabka iyo guud ahaan xaalada uu wadanku ku sugan yahay, isla markaana ay xaalada Ogaadeenya si gaar ah u eegayaan, dadaalna ay ka gaysan doonaan sidii loo caawin lahaa shacabka Ogaadeenya.
11 July, Copenhagen, Denmark
Sidoo kale waxaa magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark lagu qabtay bannaanbax wayn oo isna lagaga soo horjeedo gumaad wadareedka lagu hayo shacabka Ogaadeenya. Banaanbaxan oo in muddo ahba la soo abaabulayay ayaa u dhacay si heer sare ah, ayna ka soo qayb galeen dadweyne aad u badan oo u dhashay Ogadenya.
Bannaanbaxan waxaa lagu qabtay ka soo horjeedka Aqalka Duqa Magaalada Copenhagen iyo fagaaraha Aqalka Baarlamaanka, waxaana goobahaas lagu qaybiyay waraaqo ka tarjumaya dhibka lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin iyo warbixinadii Humar Rights Watch, Ogaden Human Right iyo warbixintii wargayska Newyork Times.
11 July, London, UK
Dadwaynaha Ogaadeenya ee ku dhaqan dalka UK ayaa iyaguna ka mid ahaa dadwaynaha Ogaadeenya ee qurba joogta ah ee ka dhiidhiyay xasuuqa ay xukuumadda Wayaanuhu ku hayso dadwaynaha Ogaadeenya, wxayna reer UK bannaanbax wayn ku qabteen ka soo horjeedka xarunta Barlamaanka waddankaas. Bannaanbaxan ayaa lagaga cabanayay xasuuqa ba’an ee ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya, cunaqabataynta dhaqaale iyo xadgudubyada kale ee ciidammada gumaysatada Itoobiya ku hayaan dadwyanaha Ogaadeenya.
Bannaanbaxan waxaa ka soo qayb galay in ka badan 200 oo qof oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee dalka UK, kuwaasoo wajiyadooda laga akhrisan karayay sida ay uga cadhaysan yihiin dhibaatooyinka ay ciidammada gumaysigu ku hayaan dadwaynaha Ogaadeenya. Ka qayb galayaasha bannaanbaxan ayaa sitay boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin hal-ku-dhagyo muujinaya faalka naxariis darrada ah ee ciidammada Itoobiya Ogaadeenya ka wadaan.
Ergo ka socota bannaanbaxayaasha ayaa la kulantay xoghaynta Baarlamaanka UK , waxayna u gudbiyeen Dowlada iyo Baarlamaanka UK qoraal dheer oo ka hadlaya xasuuqa iyo xadgudubyada ay ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya iyo siyaasadda naxariis darrada iyo xilkasnimo la’aanta ku salaysan ee xukuumadda Itoobiya kula dhaqanto arrimaha Ogaadeenya. Qoraalkan ayaa si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka ay ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha rayadka ah, sida dilka, xidhayga, faraxumaynta, cunaqabataynta, gubista tuulooyinka iyo aqallo soomaaliga iyo xayiraada gaadiidka iyo isu socodka dadwaynaha.
Bannaanbaxayaashu waxay qoraalkoodan kaga codsadeen Dowlada UK , Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub inay si toos ah u faragaliyaan arrimaha Ogaadeenya, isla markaana ay beesha caalamku guddi xaqiiqo raadis ah u dirto Ogaadeenya, si ay laf ahaantoodu u arkaan oo u qiimeeyaan masiibada ka taagan Ogaadeenya.
11 July, Bern, Switzerland
Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Switzerland ayaan iyaduna ka maqnayn dibad-baxyada lagu muujinayo dhibaatooyinka ka taagan Ogaadeenya iyo masiibada ka dhalatay gumaadka iyo cunaqabataynta ee Itoobiya ka wado Ogaadeenya. Jaaliyada Switzerland waxay magaala madaxda dalkaas ee Bern ku qabteen bannaanbax wayn oo ay bulshada caalamka kaga dalbeen inay joojiso isir baabi’inta ay Itoobiya ka wado dalka Ogaadeenya, iyagoo soo bandhigay boodhadh ay ku canbaaraynayaan taliska Addis Ababa iyo aamusnaanta ay dowladaha caalamka iyo ururrada caalamiga ahi ka aamuseen denbiyada waawayn ee ka dhacaya Ogaadeenya.
Bannaanbaxayaashu waxay sidoo kale dhalliileen aamusnaanta ay dalalka Carabta iyo kuwa Islaamku ka aamusan yihiin isir goynta Ogaadeenya ka socta, waxay Jaamacada Carabta iyo Ururka Wadammada Islaamka ka codsadeen inay tallaabo ka qaadaan qadiyada Ogaadeenya.
Bannaanbaxayaashu waxay qoraal oo ka hadlaya dhibaatada Ogaadeenya u gudbiyeen wasaarada arrimaha dibada ee dalka Switzerland iyo wakiillada ururrada daneeya arrimaha xuquuqul insaanka ee xaruntoodu tahay magaalada Jeneve ee dalka Switzerland. Bannanbaxani wuxuu bannaanbaxyada kale dheeraa isagoo uu si waafi ah uga hadlay tilifishinka caanka ah ee Al Jazeera.
12 July, Melbourne, Australia
Jaaliyadda Ogaadeenya ee waddanka Australia ayaa iyaduna bannaanbax kuwan la mid ah ku qabatay magaalada Melbourne maalintii khamiista ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 12/07/07. Bannaanbaxani wuxuu ka dhacay ka soo horjeedka xarunta wasaarada arrimaha dibada iyo Baarlamaanka ee magaalada Melbourne.
Bannaanbaxayaashu waxay qoraal cabsho ah u gudbiyeen wasaarada arrimaha dibada ee dalka Australia, iyagoo ka codsaday in dowlada Australia ay wax ka qabato xasuuqa lagu hayo dadwaynaha Ogaadeenya. Waxay sioo kale codsadeen in xukuumadda Itoobiya laga joojiyo dhaqaalaha ay reer galbeedku ku taageeraan, maadaama ay tahay xukuumad aan ixtiraamin xuquuqda aadanaha iyo xorriyada saxaafada, isla markaana dadwayne rayad ah gumaadaysa.
Bannaanbaxan waxaa xiiso gaar ah u muujisay saxaafada waddankaas Australia, iyadoo dhacdooyinka bannaanbaxa uu tabiyay tilishinka caanka ah ee SBS.
9 July, San Deigo, USA
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Magaalada San Deigo ee Gobalka California ayaa iyadu maalmo kaga horraysay Jaaliyadaha kale qabashada bannaanbaxyadan lagaga cabanayo gumaadka ay Itoobiya ka wado dalka Ogaadeenya, waxayna iyadu bannaannbaxday maalintii isniinta ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 09/07/07.
Bannaanbaxan, oo ka dhacay magaalada San Deigo, waxaa ka qayb galay dadwayne aad u badan oo ka kooban bulshada qaybaheeda oo dhan. Waxaa iyaguna bannaanbaxa ka qayb galay dadwayne u dhashay Jamhuuriyada Soomaaliya.
Bannaanbaxayaasha ayaa ku muusanaabayay in bulshada Ogaadeenya ay tahay bulsho ay dunidu dayacday, waxayna muujiyeen in dhaqaalaha uu Maraykanku siiyo xukuumadda Itoobiya uu yahay midka ay u adeegsanayso gumaadka ay ku hayso dadwaynaha Ogaadeenya.
Bannaanbaxayaashu waxay qoraal cabsho iyo xogbixin ah u gudbiyeen madaxda Gobolka California, oo iyaguna dhinacooda ballanqaaday inayna indhaha ka daboolan doonin cabashada bulshada Ogaadeenya.
9 July, Shir balaadhan oo ka dhacay Ontario -Canada
Jaaliyada Ogaadeenya ee Gobolka Ontario ee wadanka Canada ayaa shir ballaadhan isagu timid maalintii Sabtida ee bisha July 7, 2007.
Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa uu ahaa mid looga arrinsanayey dhibaatada ka aloosan Ogaadeenya ee ah Xasuuqa bani’aadamnimada ka baxsan ee ay Xukumada Itoobiya ka wado geyiga Ogaadeenya.
Ka soo qaybglayaasha shirkan ayaa halkaas ku dhegaystay warbixinadii ugu dambeeyey ee Ogaadeenya iyo gumaadka ay Ciidamada Itoobiya ka wadaan halkaas.
Dadkii halkaasi ka hadley waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdiraxmaan Yusuf oo aad uga hadlay xaalada Ogaadeenya ku sugan yahay iyo dhibaatada shacabka ka soo gaadhay cunaqabateynta ay Itoobiya ku soo rogtay dhamaan Gobollada Ogadeniya, isaga oo sheegay in Itoobiya ay ku fashilantay cunaqaatayntii ay Ogaadeenya saartay, iyadoo ugu wacan tahay in shacabka Ogaadeenya adkaysin dheeraad ah u muujiyay dhibaatada uu gumaysigu ku hayo.