Xoogaga ONLF oo sii daayey 7dii Shiinaha ahaa iyo 2 qof oo kale
April 29-04-2007(Axad) Maanta saacada Ogadenya markay ahayd 2:00 duhurnimo ayaa si buuxda loogu wareejiyey Hay’ada ICRC ama laanqeyrta cas 7 dii qof ee u dhalatay wadanka Shiinaha iyo laba nin oo midna yahay Ioobiyaan, midna ka soo jeedo Ogaadeniya.
Sagaalnkan qof waxaa lagu wareejiyey xarun kamid ah xarumaha ay ciidanka ONLF ku leeyihiin gudaha Ogadenya, iyagoo uu caafimaadkoodu heer sare yahay.
Wareejinta dadkan ayaa si nabad galyo ah ku dhacday iyadoo safaarada wadanka Shiinaha u fadhida Addis-ababa ay howsha dusha kala socotay.
Hay’ada ICRC ayaa ku tilmaantay talaabadan in ururka ONLF u hogaansan yahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee u yaala maxaabiista iyo guud ahaanba qawaaniinta dagaalada.
Sagaalkan qof ayaa waxay ku farxeen sii dayntooda waxayna ururka ONLF ku amaaneen sida wanaagsan ee ay ula dhaqmeen una badbaadiyeen naftooda.
–Ogaden Online News
Wey Gud