Warar naga soo gaaraya ilo kala duwan ayaa waxa ay sheegayaa in uu ciidanka wadanka Itoobiya uu ku dhowyahay burbur iyo kala daadasho. Sida aan hoeryba boggan idin kugu soo gudbinay waxaa ka socdey magaalamadaxda Addis Ababa kacdoon dadweeyne lagana cabsi qabo in ay dhowaan ku soo biiraan mileteriga Itoobiya.
Sidoo kale waxaa isku rasaseeyey deegaanka Oromiya ciidamada ka soo jeeda qoowmiyadda Oromada iyo kuwa Tigreega. Ciidamadan israsaaseeyey oo deganaa Naqamte oo ah degaanka galbeed ee Oromada waxa uu dhacay mar askar ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ay ogaadeen in xerada ay deganyhiin jirdil loogu geeystey ciidamo Oroma ah oo laga keenyey xuduudaha. Waxaa iyana kacdoonka ciidamada sii huriyey fakashadii Jenal Kamal Galchu iyo General Hailu Gonfa iyo war saxaafadeedkii ay soo saareen iyagoo ugu baaqey ciidamada Itoobiya in ay la saftaan dadkooda kana soo horjeestaan taliska diktatooriga ee Meles Zanawi. Ciidamada Itoobiya siiba kuwa ka soo jeeda qowmiyadda Oromada waxa ay hadal hayaan hadaladii labada janan.
War laga sii daayey Raadiyo Xoriyo oo ah idaacadda ku hadasha afka Jabhadda Xoreeynta Wadaniga Ogadeeniya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ONLF 26kii September, 2006 waxa ay ku sheegtey in askar badani ay ka goosteen ciidanka gumeeysiga Itoobiya. Radiyo xuriyo waxay tiri “Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa beryahan denbe kordhiyay goosashada iyo amar diiddada, iyadoo ay ugu wacan tahay guul darrooyinka iyo jababka ka soo gaadhaya goobaha dagaalka iyo nolol xumada ku haysata xeryohooda”. Idaacadu iyada oo hadalkeeda sii wadata waxa ay tiri “magaalada Dhagaxbuur waxaa ka goostay 8 sargaal oo ka mid ah raggii ugu sarsarreeyay. Xamaro iyo Fiiq waxaa sidoo ka waxaa goostay 50 askari “
Dhinaca kale wara ka soo baxaya furumaha kale sida kan xuduuda Ereteriya ay la wadaagta Itoobiya iyo Ogadeniya waxaa ka socda in askarta ka soo jeeda qowmiyadaha aan aheeyn Tigreega sida si gooni ah loo ilaaliyo qoryaha iyo qalabka kale ee militerina laga qaadey. Sidoo kale ciidamada booliska iyo militeriga ee ku sugan Addis Ababa inta aan ka tirsaneeyn qomiyadda Tigreega looma ogola in ay sitaan qoryaha. Taliska Meles Zanawi waxa uu wadaa in uu hubeeyo shacabka Tigreeg ah ee degan Addis Ababa iyo agagaaraheeda. Dad si gaar ah u indha indheeya siyaasadda Itobiya waxa ay ku tilmaameen taalabadan uu ku kacay Meles zanawi” in taliska uu taaganyahay in uu ka cararo maryihiisa”
Ciidamada soo galay Soomaaliya waxaa la ogsonyahay in askar dhowr ah ay ka fakadeen magaalada Gaalkacyo iyagoo u carararrey dhica Boosaaso. Ciidamada ku sugan Ogadeniya iyo kuwa jooga xuduuda Ereteriya mar hadii ay arkeen in la siinayo magangelyo iyo in ay aadaan dhulkoodii hooyo amaba ay ku biiraan halganka hubeeysan waxaan sugnaaba waa sidaas iyo kalatagiii cidanka Itoobiya.
Escaped journalists say, the general manger of the government Press Agency, Kefyalew Azeze, insists all government journalists to produce false news about the popular Coalition for Unity and Democracy (CUD) party. “You have no right to question any orders from the boss”, says one of the defected journalist, “our other option is incarceration with treason charges.”